Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay.
Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.
Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15-kii bishan April.
Mareykanka, ayaa sheegay, inuu eegayo suuragalnimada inuu dib u bilaabo joogitaankiisii diblomaasiyadeed ee Suudaan hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay xaaladaha halkaas ka jira kuwo aad u adag.
Dalalka soo jeediyay inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac
Israel
Israel waxay soo jeedisay inay marti galiso wadahadalo xabbad-joojin ah oo ay yeeshaan dhinacyada ku dagaalamaya Sudan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa sheegtay inay galayso waxa ay ku tilmaamtay wadaxaajood "wax ku ool ah" si loo gaaro xabad-joojin waarta.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Eli Cohen ayaa waxaa wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay in saraakiil ka socda Israa'iil ay gar-wadeen ka ahaayeen maalmihii la soo dhaafay dadaalo dhexdhexaadin ah oo leh "rejo aad u wanaagsan " .
Israa'iil iyo Suudaan waxay dhameystireen bishii February ee la soo dhaafay heshiis dib u cusboonaysiinaya xiriirkooda, taasi oo meesha ka saartay cadaawad tobanaan sano u dhaxeysay labada dhinac.
"Tan iyo markii ay dagaalladu ka qarxeen dalkaas, Israa'iil waxay wadday waddooyin kala duwan oo ay ku doonayso inay xabbad-joojin lagu gaaro, horumarna laga sameeyay maalmihii la soo dhaafay wadahadallada dhinacyadu waa mid rajo wanaagsan leh," ayaa lagu yiri bayaanka.
Danaha ay Israa'iil ka leedahay Sudan
Israa'iil waxaa ay sanooyiinkii u dambeeyay ay waday dadaalo ay dib ugu soo celinayso xiriirka dalalka Carabta.
Sudan waxay ka mid ahayd dalalka ay Israa'iil galisay dadaalada dheeraadka ah si ay dib ugu soo celiso xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay lahayd.
"Sudan waxay ka mid ahayd wadamada carabta ah ee Soo dhaweeyay xidhiidhka Israel lala samaynayo xiligii dawladii Trump ,Israel haday ay ku guulaysato inay xaliso khilaafka ka taagan Suudaan, waxay ka faa'iidi doontaa labo qodob" ayuu Dr. Axmed Farax Idle (Axmed Zaki) oo ka faalooda arimaha caalamka.
"Inay kastbato wadamo kale oo carab ama Muslim ahay inay xiriir dhaw la samaystaan Israel, kaasi oo muujinaya in Israel ay tahay wadan diyaar u ah inay la saaxiibto wadama muslimiinta iyo carabta" ayuu intaa ku daray.
Xigashada Sawirka, EPA
Turkiga
Dalka Turkiga oo sanooyiinkii u dambeeyay si wayn galaagal ugu lahaa qaaradda Afrika ayaa dhankooda muujiyay sida ay u daneynayaan in labada dhinac ay xabbadda joojiyaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay inuu rajaynayo in xabbad joojin la gaaro taasi oo u dhaxaysa ciidammada Suudaan iyo xoogagga RSF.
Turkiga ayaa wadahadal kula jira labada dhinac ee Suudaan si loo joojin lahaa colaadda, sidaas waxaa sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.
“Labada dhinac waa walaalaheen Suudaan. ma jirtaa sabab aan dhinac ugu hiilino? Waxaan la xaajoonaynaa labada dhinac. Waxaan ka wada xaajooneynaa sidii loo joojin lahaa colaadda,” waxaa sidaasi yiri Arbacadii wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu.
Turkiga ayaa muddooyiinkii u dambeeyay ahaa mid door muhiim ah ka ciyaara xal u helidda colaadaha iyo fududeynta wadaxaajoodyada.
Dalka Turkiga ayaa gar-wadeen ka ahaa wadaxaajoodyadii lagu fasaxay Qamadadidii iyo galeydii laga soo daabulayay dekadaha dalka Ukraine.
Waxaa uu Turkiga ku guuleystay in Ukraine iyo Ruushka uu ku qanciyo in la fasaxo raashiinkaasi oo ku xayirnaa dekadaha dalka Ukraine.
Maxay yihiin danaha Turkiga ee Sudan?
Dalka Turkiga ayaa waxaa uu mudooyiinkii u dambeeyay ahaa awoodda soo baxaysa oo aan la dhayalsan karin.
Turkiga ayaa si gaar ah diiradda ugu haya dalalka qaaradda Afrika oo dano badan ka leeyahay.
Dr. Axmed Farax Idle (Axmed Zaki) oo ka faalooda arrimaha caalamka ayaa rumeysan in Turkiga danaha uu ka leeyahay Sudan ay ka mid yihiin u jeedooyiin militari.
"Turkigu wuxuu saldhig military ku leeyahay dalka Suudaan oo uu dantiisa ka ilaashado mana raba in colaadani saamayn ku yeelato xaruntiisa ciidan ee dalka Suudaan," ayuu yiri Dr Zaki.
Dr Zaki ayaa intaa ku daray in Turkiga uu maalgalin ku sameeyay Sudan islamarkana ay jiraan shirkado badan oo uu ku leeyahay.
" Turkiga wuxuu ku leeyahay Suudaan shirkado badan oo dhaqaale ka Soo saara dalka Suudaan. Sida kuwa shidaalka sifeeya. Shirkadaha beeraha iyo technologyada beeraha, Wuxuu ku leeyahay shirkada dawada iyo dharka Iyo hubka oo uu ka iibiyo dawlada Suudaan, marka colaada Suudaan saamayn ayay ku yeelan doonta shirkadaha turkida ee Suudaan ka shaqaysta," ayuu intaa ku daray.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mareykanka
Tan iyo intii uu dagaalka Sudan bilaabmay waxaa uu Mareykanka isku dayayay in labada dhinac uu xiriir la sameeyo si dagaalka loo joojiyo.
ugu dambeyntii Mareykanka waxaa uu ku guuleystay in xalay uu labada dhinac ku qanciyo in muddo 72 saacadood ah xabad-joojin la dhqangaliyo.
Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday 48 saacadood.
Mareykanka ayaa khubaro badan u arkaan in uu furo u noqon karo xal waara oo laga gaaro dagaalak Sudan.
Maxay tahay danta Mareykanka?
Xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Sudan ayaa marxalado kala duwan soo maray.
Muddadii dheereyd ee uu xilka hayay madaxwaynihii hore Cumar Al-Bashiir ayaa mar waxaa ada u xumaaday xiriirka Mareykanka iyo sudan.
Xilligii uu Sudan ku sugnaa hogaamiyihii geeriyooday ee Al-qaacidda Cusaama Bin-ladin ayaa waxaa mareykanka ku eedeeyay xukuumadda Sudan in ay aragagixisada taageerto, waxaa uuna kus oo rogay cunaqabateyn.
Balse sanooyiinkii u dambeeyay waxaa soo hagaagayay xiriirka u dhaxeeya labad dhinac, waxaana laga qaaday cunaqabateyntii saarnayd.
Dr. Axmed Farax Idle (Axmed Zaki) oo ka faalood arrimaha caalamka ayaa qaba in danaha Mareykanka ay ka mid tahay in uu isu miisaamayo xiriirka Ruushka uu Sudan la leeyahay iyo galaangalka Mareykanka
"Maraykanku wuxuu ugu horaynba dhibsaday xiriirka Ruushka iyo xukuumada Suudaan oo bil ka hor wada galay heshiish dhaqaale iyo difaac oo dhex -mara Sudan iyo Ruushka". ayuu yiri Dr Zaki.
"Arintan waxay ka hor imanaysaa danta Maraykanka ee Sudan oo hada dhanka Ruushka u Jan jeedhsamay, maraykanku wuxuu rabaa in wadahadalka uu damiin ka noqodo si saamayntiisa siyaasadeed iyo dhaqaale ee Suudaan u Sii jirto, ayuu intaa ku daray.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kenya
Kenya ayaa soo bandhigtay in ay dhexdhexaadiso dhinacyada isku haya Sudan si xal waaro loo gaaro.
Madaxwaynaha dalka Kenya William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay diyaar u tahay inay marti-galiso shir lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.
"Si loo taageero horumar dheeraad ah oo laga gaaro xallinta colaadda Suudaan, Kenya waxay waxay soo bandhigaysaa inay martigeliso hannaan dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya dhinacyada is haya.
Madaxwaynaha Kenya ayaa xusay in Kenya ay khibrad u leedahay arrimaha dhexdhexaadinta islamarkana ay soo jeedinayaan in dalkeeda lagu qabto wadaxajoodyada.
"Kenya waxay leedahay taariikh adag oo ah inay fududayso wadaxaajoodyada nabadda iyo xallinta khilaafaadka siyaasadeed." ayaa lagu yiri bayaanka Kenya ak soo baxay.
Waxaan u soo jeedinaynaa si walaaltinimo, nabadda iyo wadajirka ah meel dhexdhexaad ah oo la aqbali karo iyo sidoo kale daneeyayaasha ku hawlan si wanaagsan loola qabsanayo caqabadaha horyaalla gobolkeena,” ayuu yiri Ruto.
Dalka Kenya ayaa xubin ka ah urur goboleedka Igad oo Sudan qudheeda ay xubin ka tahay.
Waxaa Igad lagu xusuustaa in ay gar-wadeen ka ahayd wadaxaajoodyadii ay Koonfurta Sudan uga go'day dalka Sudan 2005-tii, waxaana wadahadaladaasi lagu qabtay dalka Kenya.
© 2023 BBC. BBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda. Akhri xogta ku saabsan sida aan u abaarno bogagga dibadda.