Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa weli waxaa ku sii socda baaritaanka Ruushka ee ku saabsan fal-dambiyeedkiisa, inkastoo Kremlin-ka uu sheegay in eedeymaha dembiga loo haysto la laalay, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
Hoggaamiyahan ayaa Sabtidii waxaa lagu qanciyay in dhambiyada loo hayto ama uu galay loo cafin doono haddii uu joojiyo in kacdoonka taas ayaana la sheegay inay sababtay in ciidamadiisu uu ku amro inay dib ugu noqdaan goobahooda.
Yevgeny Prigozhin ayaa farriintiisii ugu dambeysay ee uu soo dhigay barta Telegram ku sheegay in uu uga jawaabayey su'aalaha ugu muhiimsan ee dadku iska weydiinayeen talaabadiisii amar diidada ee uu Moscow ku aaday iyo dhacdooyinkii ay horseeday, iyo sida uu sheegay in uu saxo waxii "khalad loo fahmay".
Wuxuu farriinta ku yiri: " Ujeedka hawlgalku wuxuu ahaa in aan Wagner la burburin iyo in masuuliyiinta lala xisaabtamo, kuwaas oo xirfad xumadooda awgeed galay qaladaad badan".
Waxa uu sheegay in Wagner ay ka xun yihiin "duqeyntii ay la beegsadeen ciidamada cirka Ruushka" waxayna u laabteen "si ay uga dhowrsadaan in uu daado dhiiga ciidamada Ruushka".
Hase yeeshee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha Wagner kacdoonkii isbuucii hore inay doonayeen "inay arkaan Ruushka oo uu ka dhacay dagaal dhiig badan ku daato".
Xigashada Sawirka, Reuters
Khudbad gaaban oo uu jeediyay ayuu Mr Putin waxa uu wacad ku maray in uu cadaaladda horkeeni doono qabanqaabiyaasha kacdoonka.
Laakiin wuxuu ugu yeeray ciidamada Wagner ee caadiga ah "wadaniyiin" kuwaas oo loo ogolaan doono inay ku biiraan ciidanka, oo ay aadaan Belarus ama ku noqdaan dalkooda.
Si toos ah uma uusan magacaabin madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, kaas oo horay u beeniyay in uu isku dayay in uu afgambiyo maamulka Mr Putin.
hadalka Putin ayay falanqeeyeyaasha ku tilmaameen inay u muuqato in Prigozhin looga baxay ballantii ahayd in wax dambi ah aan lagu soo oogeyn.
Wagner waa ciidan gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada caadiga ah ee Ruushka ee Ukraine ku sugan.
Laakiin madaxa Wagner waxuu ku guuldarreystay inuu ka jawaabo laba su'aalood oo muhiim ah – oo ku saabsan mustaqbalka Wagner iyo Prigozhin laftiisa, iyo wixii tanaasulaad ah haddii ay jiraan ee uu ka helay Kremlin-ka iyada oo qayb ka ah heshiiska lagu dejinayo xiisadda.
Madaxa Wagner wuxuu xusay doorka dhexdhexaadinta heshiiska hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko, kaasoo "soo bandhigay si loo helo habab ay Wagner u sii wadan karaan shaqadooda si sharci ah".
Laakiin Prigozhin ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa tani dhab ahaantii macnaheedu noqon karto. Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah shaqaalaha Wagner loo wareejinayo Belarus – Wargayska Ruushka ee Verstka ayaa sheegay in dhisme lagu bilaabay xeryo loogu talagalay kooxdan.
Waxaa sidoo kale jiray warar aan la hubin oo sheegaya in Wagner loo isticmaali karo weerar ka dhan ah Ukraine oo ka imanaya dhanka Belarus.
Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Wagner, ayaa waxay lafdhabar u ahaayeen qaar kamid ah ciidamada ka dagaallamayay dalka Ukraine, in kasta oo qaar badan oo kamid ah dagaalyahannadeeda laga soo saaray xabsiyada, kuwaasoo lagu soo qalqaaliyey ballanqaad ah inay xorriyad helitaan, haddii ay dagaalka Ukraine guulo ka gaareen. Waxay si weyn ugu lug lahaayeen qabsashadii Ruushka ee magaalada Bakhmut, tusaale ahaan.
Ruushka ayaa ku andacoonaya in fallaagada aysan wax saameyn ah ku yeelan ololahooda Ukraine ilaa hadda.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Ruushka ayaa shaki la'aan ah inay maqleen waxa socda, waxaana laga yaabaa in warkani uu niyad jabiyo. Qaar ayaa soo jeedinaya inuu jiri karo dagaal u dhexeeya cutubyada iska soo horjeeda maalmaha soo socda, iyadoo ku xirnaan doonta nooca isku dhaca , kadib dhacdooyinkii Sabtida.
Ukraine, marka laga soo tago walaaca laga qabo khataraha laga yaabo in Ruushku uu sii kordhiyo ku lug lahaanshihiisa, hoggaamiyeyaasha milatarigu, ayaa waxay baadi goobi doonaan fursado ka yimaada xasillooni darrada ka jirta xadka.
Ciidamada maamulka Kyiv, ayaa qaaday weerar rogaal celis ah oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan dhulkii ay qabsadeen ciidanka Ruushka kusoo duulay, waxayna aaminsan yihiin in qalalaasaha ka taagan Ruushka ay ku helayaan “fursad dahabi ah” oo ay wax ku qabsan karaan.
Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Ukraine, Bill Taylor, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Ukraine ay ku sugan yihiin "meel wanaagsan" si ay uga faa'iideystaan xaaladda nuglaanshaha, ee ay keentay dhaqdhaqaaqa lama filaanka ah ee dagaalyahannada Wagner.
© 2023 BBC. BBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda. Akhri xogta ku saabsan sida aan u abaarno bogagga dibadda.