Xigashada Sawirka, Facebook
Ciidamada maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa soo xiray afar nin, oo ah koox hubeysan, oo xalay ku xad gudbay qoys danyar ah, iyagoo ku weeraray hoygooda, waxayna kula kaceen fal isugu jira caga jugleyn iyo jirdil.
Ragga lasoo xiray, ayaa ku baahiyey Baraha Bulshada muuqaal ay kasoo duubeen qoyska, iyagoo markaa xad gudub kula kacaya reerkan oo hoygooda kusugan xiligaa, iyagoo ka koobnaa caruurta, hooyada iyo aabihii qoyska.
Baraha Bulshada Soomaalida, ayaa waxaa si weyn la isula wadaagayey muuqaalkan, halka dadweynaha ay ku tilmaameen dhacdadan fal fol xun, oo baal marsan diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyed, iyo tan xuquuqul aadanaha.
Ciidanka magaalada Boosaaso, gaar ahaan booliiska, ayaa kolkii danbe soo qabqabtay kooxdan ragga ah, oo afar kamid ah gacanta lagu soo dhigay, halka ruuxa kalana ay ciidamadu ku raad joogaan.
Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo ah taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay dhibaatadan ay asalkeeda ka timid hadalo aflagaado oo la isku weydaarsaday barta ay bulshada ku kulanto ee Tiktok, taasoo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibbanayaal u noqdaan.
“Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey Baraha Bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira loo dhacayo, oo qof hurda dhabanka cag laga saarayo, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyaga oo ah dhalinyada unbaa ka fal celin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.
Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marindoono ciqaabtooda.
Taliyaha ayaa carabka ku dhutay in raggii dhibaatada geystay mid kamid ah inuu ka bax saday magaalada Boosaaso, halka intii kalana la qabtay gelinkii hore ee maanta. Sidoo kale, ruuxii ka baxsaday magaalada Boosaasana lagu qabtay deegaanka Waaciye
“Markii ay tagayeen guriga dhalinyaradani shanta gaareysa, si toos ah ayey u tageen, codadkooda markii la daba galayna oo la ogaaday lana qabtay, waxba may qarsan, oo way isa sheegeen”, ayuu yiri taliye Cabdulqaadir.
Taliyaha ayaa sheegay warbixinta hordhaca ah oo ay ka diiwaan galiyeen eedeysanayaasha iney kamid tahay iney tahay kala aargoosi, iyo muuqaal lagu caynayo iyaga in lasoo bandhigay Baraha Bulshada, iyaguna iney intii oo kale kaga fal celiyeen.
“Dhanka kale waxaa jiri karaya waxyaabo kale, oo keeni karaya in fal noocan oo kale ah ay ku kacaan dhalinyaro, isagoo ku gaab sadey in baaritaanka ay ka war dhawrayaan maxsuulka kasoo baxa, ” ayuu intaa raaciyey taliye Cabdulqaadir Jaamac Dirir.
Taliya ayaa sheegay in reerka lagu xad gudbay ay yihiin reer kasoo jeeda deegaanka, oo aanay ahayn qoys kusoo bara kacay magaalada Boosaaso.
© 2023 BBC. BBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda. Akhri xogta ku saabsan sida aan u abaarno bogagga dibadda.